Hoggaamiyaha Hong Kong oo rajo wanaagsan ka muujisay tallaabo ay qaadday

Madaxa fulinta ee jamhuuriyadda Hong Kong, Carrie Lam ayaa maanta oo khamiis ah sheegtay inay ku raja weyntahay in go’aankii ay meesha uga saartay hindise sharciyeedkii muranka dhaliyay uu xasilooni horseedi doono.
Tan iyo bartamihii bishii lixaad ee sannadkan waxaa halkaasi ka jiray dibadbaxyo looga soo horjeedo dhaqangelinta hindise sharciyeed dhigayay in dadka lala xariiriyo dembiyadda ee Hong Kong loo tarxiili karo dal-weynaha Shiinaha si loo soo maxkamadeeyo.
Hasa ahaate shacabka gaar ahaan dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha maamul wanaaggsa iyo dimuqaradiyadda ayaa si weyn uga soo horjeestay waxayna sheegeen inuu dhaawacayo madax bannaanida ay Hong Kong sheeganayso .
Mrs. Lam ayaa warbaahinta u sheegtay in hindisahan si rasmi ah meesha looga saari doono marka uu qabsoomo kal-fadhiga xiga ee golaha sharci dejinta , kulankaasi oo la qaban doono bisha soo socoto .
Waxay intaasi ku dartay inaynan jiri doonin u codeyn ama in laga doodo sharcigaasi balse si toos ah dhinac la isaga dhigayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here