Hoggaamiyaha Hong Kong oo sheegtay in dibadbaxyadu aynan xallin Karin dhibaatooyinka bulsho

Madaxa magaalada Hong Kong ee jamhuuriyadda isku tilmaanto welina Shiinaha uu maamulo Carrie Lam ayaa maanta oo talaado ah sheegtay in dibadbaxyada soo socday bilooyinkii la soo dhafay aynan xal u ahayn caqabadaha bulshada haysto.
Waxay dhanka kale sheegtay inaad aad uga xumaatay in sida ay hadalka u dhigtay baarlamaanada wadamo kale ay soo farogeliyaan arrimaha Hong Kong.
Shalay ayay ahayd markii xoghayaha gaashaandhigga ee Maraykanka Jim Mattis uu sheegay inay taageero u muujinayaan dadka cabanaya ee sameynaya dibadbayada ka dhanka ah maamulka halkaasi ka taliyo.
Dadka mudaharaadyada dhigaya ayaa ka soo horjeedo ku tallaaba qaadka hindise sharciyeed muran dhaliyay.
Hindisahaasi oo hadda dhinac la isaga dhigay ayaa qabo in dadka lagu helo dembiyada kala duwan loo tarxiili karo dhanka dal-weynaha Shiinaha si loo soo maxkamadeeyo.
Shacabka gaar ahaan dadka u ololeeya arrimaha dimuqaradiyadda iyo maamul wanaagga ayaa ku doodaya in dhaqangelinta sharcigaasi uu dhaawacayo madax bannaanida ay Hong Kong sheeganayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here