Hoggaamiyaha Kakamega oo sheegay inay jirto sonkor si sharci darro ah dalka lagu soo geliyo

Guddoomiyaha golaha ay ku mideysanyihiin barasaabyada ismaamulada dalka ee COG ahna hoggaamiyaha dowlad deegaanka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad si sharci daro ee sonkorta soo geliyo dalka.
Mr Oparanaya ayaa xusay in sonkor sida sharci darada lagu soo gelinayo ay saameyn xun ku yeelaneyso warshadaha maxalliga ah ee soo saaro sonkorta.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in shaqsiyaadkan ay sonkortani sharci darada ah dalka ka soo geliyaan xadka Malaba ee Busia
Mr Wycliffe Oparanya ayaa carabka ku dhuftay in biilka Sonkorta ama Hindse sharciyeedka Sonkorta uu hor yeelo barlamaanka islamarkaasina uu kaalin weyn ka qaadaan doono soo dhoofinta Sonkorta .
Hindse sharciyeedkani ayaa waxaa uu dhigaya in beeraleyda , macamiisha iyo warshadaha , dowladaha ismamulada iyo dowladda dhexe ay door muhiim ah ka qaadaan doonan soo dhoofinta sonkorta.
Wuxuuna sheegay in biilkani uu diyaar noqonaya mudddo bil gudaheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here