Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Tanzania oo la weeraray

Xisbiga mucaaradka ugu weyn dalka Tanzania ayaa sheegay in isbitaal la dhigay guddoomiyahooda ka dib markii weerar lagu qaaday.
Waxaa uu xisbigu sheegay in weerarku uu ahaa mid siyaasadeeysan isla markaana ay booliska sheegeen in ay baaritaan bilaabayaan.
Freeman Mbowe, ayaa la weeraray habeenkii Isniinta xili uu safar ka soo laabtay caasimadda Dodoma, waxaana loo la cararay isbitaal.
Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka John Mnyika ayaa sheegay in dadkii weeraray Mr. Mbowen ay hubeesnaayeen balse aysan adeegsan.
Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa dhawr jeer xukuumadda madaxweyne John Magufului ku eedeeyay inay ku fashilantay ka hor taga fayraaska koroona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here