SAWIRO:Hoggaamiyaha Puntland oo kulamo ka wada Muqdisho

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish.
Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay go’aaminta doorashada Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha ku nool Caasimada Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu Ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo hadda ah Maareeyaha Guud Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlAY arrimo dhowr ahoo ay ka mid ahayeen sidii ay wada-shaqyen wanaagsan u yeelan lahaayeen Hay’ada Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed iyo Maamulka Puntland.
Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu siyaabo kala duwan ula kulmayay saamileyda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, Xildhibaano, Xubno kamid ah Golaha wasiirada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda waxayna dhamaantooda ka wada hadlayeen arimo siyaasadeed iyo Marxalada Kala guurka ah ee hada uu dalku wajahayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here