Hoggaamiyaha Qatar oo Iiraan tagaya

Amiirka dalka Qatar , Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago caasimadda wadanka Iiraan ee Tehraan.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu wada hadallo la yeesho mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee wadankaas oo uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Ruuxaani.
Safarka amiirka Qatar ayaa ku soo aadaya iyadoo dhanka kale ay weli taagan tahay xasaradda ka dhaxaysa Iiraan iyo Maraykanka maalmo un kaddib markii xukuumadda Washington ay duqeymo dhanka cirka ah ku dishay taliyihii ciidamada kacaanka ee Iiraan qeybta Qudus, Qassem Soleimani.
Wakaaladda wararka ee dowladda Qatar ee (QNA) ayaa ku warramaysa in wada hadallada diiradda lagu saari doono xiriirka laba geesoodka ee ka dhaxaysa xukuumada Dhooxa iyo Tehraan.
Sido kale dhinacyada kulmaya ayaa la filayaa inay isla soo hadal qaadaan arrimhii ugu dambeeyay ee ka taagan gobolka iyo caalamka.
Amiirka Qatar ayaa galinkii hore ee maanta tagay dalka Cummaan gaar ahaan caasimadiisa Muscat isagoo ka taciyeeyay geeridii boqor Qaboos bin Saciid Al Saciid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here