Hoggaamiyaha Taiwan oo diidday soojeedin uga timid Shiinaha

Taiwan's President Tsai Ing-wen gestures while registering as the ruling Democratic Progressive Party (DPP) 2020 presidential candidate at the party's headquarter in Taipei on March 21, 2019. (Photo by SAM YEH / AFP) (Photo credit should read SAM YEH/AFP/Getty Images)

Madaxa jasiiradda Taiwan, Tsai Ing-wen ayaa diidday soojeedinta dowladda Shiinaha ee ah in Taiwan ay ka mid ahaato Shiinaha.
Xukuumadda Beijing ayaa ku talinaysa in wadanku uu hal ahaado balse laba hannaan oo dhanka maamulka ah ay jiraan.
Hasa ahaate Tsai ayaa carrabka ku dhuftay in heshiis noocan oo kale ah inuu Hong Kong burbur qarka u saaray.
Sido kale hoggaamiyaha Taiwan ayaa khudbad ay jeedisay ku sheegtay inay difaacayso madax bannaanida jasiiraddaasi.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo Shiinaha uu cadaadis xooggan saarayo Taiwan oo ah jasiirad si iskeed ah isku maamusho in kastoo Beijing ay u aragto gobol gooni isku taagay oo dalkeeda ka mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here