Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee iiraan oo cambaareeyay duqeyn laga gaystay Ciraaq

U.S. Army Pvt. Joseph Burton and Staff Sgt. John Martinez clear a street corner during a raid in the Tamooz neighborhood of Mosul, Iraq, April 27, 2007. The Soldiers are with 3rd platoon, Delta Company, 2nd Battalion, 7th Cavalry Regiment, 4th Brigade Combat Team, 1st Cavalry Division. (U.S. Air Force photo by Staff Sgt. Vanessa Valentine) (Released)

Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka iiraan Ayatullah Cali Khamenei ayaa si kulul u cambaareeyay duqeymo dhanka cirka ah oo ciidamada Maraykanka ay ka gaysteen gudaha wadanka Ciraaq.
Weerarradaas ayaa lala eegtay fariisimo ay leeyihiin maleeshiyo looga shakisan yahay inay xukuumadda Tehraan garab siiso.
Telefishinka dowladda iiraan ayaa tabiyay in Maraykanka lagu eedeynayo rabshado Ciraaq ka jiro.
Mr. Khamenei ayaa sheegay in isaga, dowladda iiraan iyo qaranka ay si kulul u cambaareynayaan falkaasi.
Axadii ayay ahayd markii Maraykanka uu bartilmaameedsaday maleeshiyada Kataib Xizbullah.
Duqeymaha ayaa looga falcelinayay dil jimcihii la soo dhaafay loo gaystay muwaadin Maraykan ah.
Sido kale madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump ayaa iiraan ku eedeyay inay soo abaabushay dibadbaxyo rabshadeysan oo shalay ka dhacay afaafka hore ee safaaradda xukuumadda Washington ay ku leedahay magaalada Baqdaad ee Ciraaq.
Waxaa uu dhanka kale Maraykanka ciidamo gaaraya 750 uu geeyay safaaraddiisa ku taalla Baqdaad oo shalay ay mudaaharaadyo ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here