Hoggaamiyaha xisbiga ANC oo cambaareeyay xariga saddex senatar

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa dowladda ku dhaliilay go’aankii ay shalay ku xirtay senatarrada ismaamullada Bomet, Samburu iyo Kakamega ee kala ah Christopher Lang’at ,Steve Lelegwe iyo Cleophas Malala.
Mudavadi ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadan ay liddi ku tahay dimuqraadiyadda sido kalena ay horseedi karto dib u dhac .
Saddexdan senatar ayaa shalay laga kala qabtay ismaamullada Nairobi iyo Kajiado waxaana la geeyay dowlad deegaannada ay aqalka sare ku matalaan si halkaas ay uga qoraan fariimo ku aaddan eedeymo loo soo jeediyay.
Waxay ka mid yihiin mas’uuliyiinta aqalka senate-ka ee ka soo horjeeda ansaxinta nidaam la doonayo in ismaamullada ay ku qaybsadaan dakhliga kaasoo muran dhaliyay.
Musalia Mudavadi ayaa xusay in tallaabada xabsiga loogu taxaabay siyaasiyiintan ay xadgudub ku tahay madax bannaanida iyo shafarta baarlamaanka.
Hoggaamiyaha ANC ayaa dhacdadan nasiib darro ku tilmaamay wuxuuna xusay inay ka turjumaysa xilliyo adag oo laga soo gudbay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyiin shacabka matalaya laga hor istaago inay codkooda dhiibtaan ay la mid tahay caburinta xuquuqda shacabka ee dastuuriga ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here