Hoggaamiyaha xisbiga ANC oo doonaya in wax laga qabto dhibaatooyinka kenyaanka ku sugan Shiinaha

Madaxa xisbiga ANC, Musalia Mudavadi ayaa Dowladda ka dalbaday inay xaliso caqabado ay wajahayaan muwaadiniinta dalka ee ku sugan wadanka Shiinaha.
Mr. Mudavadi ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la soo daadgureeyo shacabka ku xayiran dalkaas iyo wadamada kale ee caalamka.
Hadalka mas’uulkan ayaa ku soo aadaya maalmo un kaddib markii Dowladda ay muddo 30 cisho ah ku kordhisay go’aankii lagu mamnuucay duulimaadyada caalamiga.
Mudavadi ayaa sido kale dhaliilay siyaasiyiin uu sheegay inay sumcad ku raadsanayaan dhibaatada la xiriirta cudurka Covid-19 iyagoo cunnooyin qeybinaya.
Dowladda dhexe ayuu ku ammaanay go’aanka ay qaadatay oo ah inaan cunno la qeybin iyadoo aan lagu wargelin guddiga gurmadka qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here