Hoggaamiyaha xisbiga ANC oo ka digay in deymo badan ay dowladdu qaadato

34

Madaxa xisbiga ANC sido kalena ka mid ah siyaasiyiinta sar sare ee urur weynaha mucaaradka Nasa , Musalia Mudavadi ayaa shacabka Kenyaanka ah u sheegay in haddii dowladdu ay deymo badan ka soo qaadato wadamada kale ee caalamka uu culeys dheeraad ah soo foodsaari karo.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in maamulka talada haya ee Jubilee laga doonayo inuu maareeyo amaahda uu qaato si uu ugu qarash geliyo mashaariicda horumarineed.
Mr.Mudavadi ayaa hoosta ka xariiqay in deymo badan oo dowladdu ay hesho ay michaneedu tahay canshuur dadweynaha ku sii badato maadama loo baahan yahay in lacagtaasi dib loo bixiyo .
Waxaa uu dhanka kale dowladda ugu baaqay inay dardargeliso baaritaanada ay sameynayana xubnaha guddi loo xilsaaray inuu warbixin ka soo saaro caqabadaha haysta shirkadaha sonkorta ee dalka

Ma aha markii ugu horreysay oo Musalia Mudavadi uu maamulka Jubilee ku dhaliilo qaadashada deymaha shisheeye gaar ahaan dalka Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here