Hoggaamiyaha xisbiga ANC oo ka hadlay caqabadda ugu weyn ee dalka haysata

Madaxa xisbiga ANC ,Musalia Mudavadi ayaa shaaca ka qaaday in caqabadda ugu weyn ee wadanka uu hadda wajahayo ay tahay culeys la xiriira dhaqaalaha..
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhaqaalaha dalka oo wanaagsanaado ay xal u noqonayso arrimo badan.
Mr. Mudavadi oo horay u soo noqday wasiirka maaliyadda ayaa xusay inaan la iska dhaadhicin in warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ay soo afjarayso dhammaan dhibaatooyinka jira.
Siyaasigan ayaa dhanka kale sheegay in sannadka 2022-ka uu u tartami doono xilka madaxtinimo.
Sido kale waxaa uu dhaliilay maareynta deymaha shisheeye ee ay dowladda dhexe qaadato.
Mudavadi ayaa hoosta ka xarriiqay inaynan qalad ahayn in deyn la qaato si horumar loogu sameeyo balse sida uu hadalka u dhigay ay nasiib darro tahay in deymaha aan sida habboon loo adeegsan iyagoo culeys dheeraad ku ah canshuur bixiyaha.
Madaxa xisbiga ANC ayaa sido kale qiray in garabka mucaaradka ee dalka uu ku fashilmay kaalintii ahayd la xisaabtanka dowladda.Musalia ayaa intaas ku daray in la siyaasadeeyay muhiimadda ay leedahay dhaqangelinta warbixinta guddiga BBI oo laga dhigay mid horseedeyso oo keliya in shakhsiyaad gaar ah ay ka faaiidayaan.
Codbixiyayaasha Kenyaanka ah ayuu sido kale ku eedeyay in marka ay madaxda siyaasadeed soo dooranayaan aynan qiimeyn ballaaran sameyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here