Hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance oo eedeyn u jeediyay waaxda garsoorka

Madaxa xisbiga Third way Alliance Dr. Ekuru Aukot ayaa maxkamadaha dalka ku eedeyay inay caqabad ku yihiin hor u socodka hindise sharciyeed uu dhawaan soo saaray.
Hindise sharciyeedkan ayaa loogu magacdaray Punguza Mizigo oo ay micnaheedu tahay in la yareeyo culeyska dhanka hoggaanka ee jira.
Waxyaabaha ay soo jeedinayaan waxaa ka mid ah in la dhimo tirada xildhibaanada baarlamaanka si gaar ahna meesha looga saaro xilalka magacaabidda ee mudanayaasha iyo senetarrada.
Hadalka mas’uulkan ayaa yimid kaddib markii maxkamadda sare ee dalka ay maalmo ka hor sheegtay in golayaasha ismaamulada kala duwan aynan ka doodi Karin hindisahan ilaa inta laga soo afjarayo dhageysiga dacwad looga soo horjeedo in lagu tallaaba qaado.
Garsoore James Makau ayaa soo saaray amar shaqeynaya muddo 14 maalmood ah iyadoo kiiska loo gudbiyay la dhageysan doono 13-ka bishan sideedaad.
Waxaa dacwadda maxkamadda geeyay David Kamau Ngari iyo xarunta caalamiga ee shuruucda dhanka dhaqaalaha.
Dr. Aukot ayaa sheegay inaan loo baahneyn in maxkamadaha dalka lagu fuliyo dano siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here