Hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance oo sheegay inuu sii wadayo dadaalka sharci beddelka

Madaxa xisbiga Thirway Alliance Dr. Ekuru Aukot ayaa shaaca ka qaaday inuunan marnaba ka daali doonin inuu sii wado ololaha uu ugu jiro in wax laga beddelo dastuurka dalka.
Waxaa uu ku doodaya inuunan wax gaabad ah ku imaan qorshaha Punguza Mizigo.
Sido kale Dr. Aukot ayaa sheegay inuunan weli niyad jabin in kastoo wakiilada golaha hoose ee ismaamulada 10 ka mid ah dowlad deegaanada dalka ay dhinac isaga dhifeen soojeedintiisa.
Aukot ayaa carrabka ku dhuftay inuu rajeynayay in hindise sharciyeedkan laga diido ismaamulo dhowr ah maadaama sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiinta qaar ay halis u arkaan.
Waxaa uu doonaya in la yareeyo tirade xildhibaanada baarlamaanka sido kalena meesha laga saaro xilalka magacaabidda ee golayaasha sharci dejinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here