Hoggaamiye hore oo ka soo shaqeeyay baarlamaanka Changamwe oo geeriyooday

Ramadhan Seif Kajembe oo horay uga tirsanaan jiray baarlamaanka Changamwe ayaa looga shaki san yahay in uu u dhintey xanuunka Corona Virus.
Mas’uulkaan hore ayaa ku geeriyooday shalay isbitaalka Panya ee magaalada Mombasa.
Tani ayaa timid un laba toddobaad ee la soo dhaafay markii ay dhimatay xaaskiisa Aziza oo ku jirtay isbitaalka Mombasa.
Lamana shaacin waxyaabihii ay u dhimatay xaaskiisa balse isla maalintiba ayaa la aasay.
Ramadhan Seif Kajembe ayaa waxaa uu awoodi waayay inuu ka qeyb galo aaska xaaskiisa sababo la xariirta xanuunka haayay markaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here