Hoggaamiyeyaasha soomaalida oo loogu baaqay ilaalinta qoondada haweenka ee siyaasadda

Wakiilada xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya ayaa waxay Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku kala hadleen Saddex qodob oo muhiim u ah Arrimaha doorashooyinka soo socda.
Qodobadaasi ayaa waxaay kala yihiin, in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay dardar geliyaan wada-tashiyada la xiriira doorashooyinka si loo helo doorasho si hufan ku dhacda.
In Madaxda Dowladda Federaalka & Maamul Goboledyada looga baahan yahay inay ilaaliyaan qoondada Haweenka 30% ee Baarlamaanka labadiisa Aqal oo doorashadooda dhawaan la qabanayo.
Iyo in si guud iyo si gaar ah looga wada Shaqeeyo sugida Amniga si dadka Soomaaliyeed nabad ugu noolaadaan, isla markaana dalka uu u gaaro horumar ballaaran.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wadatashiyo & wada-hadallo la bilaabay Maamul goboleedyada, waxaayna shalay Magaalada Dhuusamareeb booqdeen ayna la kulmeen Madaxweynaha Galmudug Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya Amb James Swan oo ay wehlinayeen, Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, Kuixgeenka Wakiilka Midowga Yurub Nicole Miller, & Madax Ergada IGAD ee Somalia Jamaal Axmed Ibraahim.
War-Saxaafadeed goor sii horeysay kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa dhowr jeer loogu baaqay Madaxda Dowladda dhexe & Maamul goboleedyada inay si nabdoon uga wada qeyb qaataan arrimaha la xiriira doorashooyinka Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa doneysa in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay si wada ogol ah door ugu yeeshaan Arrimaha doorashooyinka, waxaana dhowr jeer ay u qabatay shirar kala duwan oo looga hadlayay Arrimaha doorashada iyo hufidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here