Hoggaanka aqalka sare oo kulan la qaatay madaxweynaha

Hoggaamiyaasha aqalka sare ee dalka ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo xubnaha aqalka senate-ka lagu wado inay yeeshaan dood ku saabsan sida ismaamullada dalka ay u qaybsanayaan dakhliga.
Dooddan ayaa in muddo ah soo jiitamaysay wuxuuna senate-ka Kenya yeeshay ilaa sagaal kal-fadhi oo aan wax heshiis ah laga soo saarin.
Nidaamka lagu muransan yahay ayaa ah midkii saddexaad waxaana si weyn kaga soo horjeestay siyaasiyiinta xoolo dhaqatada oo caddaalad darro ku tilmaamay.
Madaxda hoggaamiyaha dalka kula kulmay madaxtooyada State House ayaa kala ah hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare Samuel Poghisio, , ku xigeenkiisa Fatuma Dullo, Irungu Kangata oo xisbiga Jubilee u qaabilsan dhanka kala dambeynta , dhigiisa Farxiya Haaji, James Orengo oo ah hoggaamiyaha garabka mucaaradka ee senate-ka iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiyaha aqalka sare Mr. Ken Lusaka ayaan ka qayb gelin kulanka maanta maadaama uu shir guddoominayay kal-fadhi ay yeelanayeen xubnaha guddiga howlaha senate-ka.
Guddiga aqalka sare ayaa isku dayi doona markii 10-aad in ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan nidaamka dakhli qeybsiga ee ismaamulada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here