Hoggamiyaha Kuuriyada Woqooyi oo xaalad deg deg geliyay magaalada Kaesong

Hoggamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah iyo xayiraad gaar ahaan magalada Kaesong oo xaduud la ah Kuuriyada Konfureed kaddib markii qof laga shakisanyahay inuu qabo cudurka COVID-19 uu ka soo laabtay Kuuriyada konfureed sida ay sheegayaan warbaahinta dalkaasi.
Hadii la xaqiijiyo waxaa uu noqonaya kiiskii ugu horeeyay ee maamulka Kuuriyada Waqooyi ay aqoonsadaan.
Sida wakaaladda wararka ee dalkaasi sheegyso, Kim ayaa isugu yeeray kulan deg deg ah asaga oo ku tilmaamay arrintan mid khatar ah,maadama laga shakisanyahay qofka dalkasi soo galay inuu qabo Cornavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here