Hoggamiyasha Sudan oo Imaaradka u jooga wadahadal

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo madaxa golaha talada haya ee Suudaan ayaa u ambabbaxay Isutaga Imaaraatka carabta si ay wadahadalo ula yeeshaan saraakiisha Imaaraatka iyo Mareykanka, oo ay kamid tahay ka saarida liiska dalalka uu Mareykanku u aqoonsaday maalgelinta argagixisada.
Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in General Abdel-Fattah al-Burhan, uu wadahadallo la yeelan doono hoggaanka Imaaraadka iyo Mareykanka.
Wakaaalda wararka ayaa sheegeysa in wasiirka cadaalada Naser-Eddin Abdelbari uu la kulmi doono saraakisha Maraykanka Abu Dhabi si looga wada hadlo in Suudaan laga saaro liiska wadamada maal geliya argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here