Hong Kong iyo Singapore oo karantiil la’aan la isaga kala gudbi doono

People walk on a desert street with closed pubs during the coronavirus crisis. Bars in Hong Kong, have been temporarily shut their doors as government orders two-week shutdown from 6pm on Friday, April 3rd to curb Covid-19 spread. Any place ?exclusively or mainly used?for sale or supply of alcohol are oblige to close its doors. (Photo by Ivan Abreu / SOPA Images/Sipa USA)(Sipa via AP Images)

Maamullada Hong Kong iyo Singapore ayaa ku heshiiyay in laga billaabo 22-ka bishan ay muwaadiniintooda u kala gooshi karaan wadamadan iyagoo aan marin wax karantiil ah.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu fududeeyo safarrada ajaaniibta.
Wasiirka arrimaha ganacsiga ee jamhuuriyadda Hong Kong iyo dhigiisa gaadiidka ee dalka Singapore ayaa xusay in maalin kasta hal diyaarad ah oo sidda 200 oo rakaab ay u duuli doonto wadanka kale.
Laga billaabo 7-da bisha Diseembar ee sannadkan ayaa la kordhin doonaa waxaana maalin kasta dhanka Hong Kong iyo Singapore u ambabixi doono labo diyaaradood.
Waxaa heshiiska qayb ka ah in hadii xaaladda cudurka COVID-19 ee Hong Kong iyo Singapore ay sii xumaato in dhaqangelinta isafgaradkan la hakin doono.
Wasiirka gaadiidka ee dalka Singapore Ong Ye Kung ayaa go’aankan ku tilmaamay midkii ugu horreeyay ee dhanka safarrada oo uu rajeynayo inuu horseedo dib u furka xudduudo badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here