Hong Kong oo laga sameynaya baaritaan wadareed ka dhan ah COVID19

Waxaa baaritaano wadareed lagula tacaalaya cudurka COVID19 laga billaabay Hong Kong.
Wargayska The South China Morning Post ayaa ku warramaya in labadii saacadood ee ugu horreysay fayraska laga baaray in ka badan 10,000 qof.
Wararka ayaa intaa ku daraya in madaxa fulinta ee Hong Kong Carrie Lam , saraakiil sar sare oo maamulkeeda ka tirsan iyo khuburo caafimaad ay ka mid noqdeen dadka laga baaray cudurka.
Baaritaanadan ayaa muran dhaliyay kaddib markii saraakiil caafimaad oo ka socdo Shiinaha ay barnaamijkan ku soo biireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here