Hong Kong oo laga soo tabiyay dhimasho la xiriirta caabuqa Corona

Jamhuuriyadda Hong Kong ayaa shaaca ka qaaday inay diiwaangelisay dhimashadii ugu horreysay ee ka dhalatay caabuqa Coronavirus.
Waxay dhimashadan noqonaysa midii labaad oo laga soo sheego meel ka baxsan Shiinaha.
Filibiin ayaa horay kiis dhimasho oo la xiriirta firuusiga Coronavirus laga soo sheegay.
Ugu yaraan 425 qof ayaa ilaa iyo hadda u dhintay caabuqa loo aaneeyo dhibaatooyin dhanka neefsashada ah.
Qofka Hong Kong ku dhintay ayaa ah qof rag oo 39 sano jir ah oo ka yimid magaalada Wuhan ee Shiinaha.
Gudaha Shiinaha waxaa hadda la xaqiijiyay in 20,438 qof uu sameeyay caabuqa ku fiday 24 wadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here