Hong Kong oo sheegay in Sharcigii dib u celinta dembiilayaasha uu dhintay

Hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam ayaa qoraal ay soo saartay saakay aroorti ku sheegtay in ay dowladdu ka laabatay oo uu “dhintay” sharcigii dibadbaxyada baahsan dhaliyay ee lagaga soo horjeeday in dambiilayaasha Shiinaha dambi kasoo gala dalkaasi loo gacangeliyo.
Sharcigan Shiinuhu soo jeediyay ee la doonayay in baarlamaanka Honkong meel-mariyo ayaa dib loo dhigay mudadii ay dibadbaxyadu socdeen, waxaana ay dibadbaxayaashu ballanqaadeen in ay sii wadayaan dibadbaxa inta laga laalayo sharcigaasi
Waxa ay shacabka u sheegtay Lam in ay shakiga iska saaraan islamarkaana dadka aaminsan in ay dowladdu dib usoo cusbooneysiin doonto meelmarinta sharcigan u xaqiijisay in sharcigan uu ahaan doono sida uu u dhintay.
Dibadbaxayaasha ayaa ku andocooday in dhiibistaasi sharcidarro tahay islamarkaana aysan shuqul ku laheyn shuruucda Shiinaha oo ay yihiin dal sharciyadiisa u gaar yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here