Hoobiyeyaal xalay lagu weeraray garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaay sheegayaan in xalay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay hobiyeyaal ku weerareen gaaroonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in in ka badan 5 hoobiye ay kusoo dhaceen garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta la xaqiijiyay weerarkaas hoobiyeyaasha ah ku dhaawacmay laba qof oo ka mid ah dadka Shacab ah ee daganaa agagaarka Garoonka Diyaarada Dhuusamareeb.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ee ku sugan Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ay dhankooda tiro hoobiyeyaal ah ugu jawabeen Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee Garoonka hoobiyeyaasha kusoo weeraray.
Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM ayaa saaka waxaay howlgallo ka wadaan duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee dhinaca xiga Garoonka diyaaradaha, iyagoo baadi goobaya xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarkaasi Xalay geystay.
Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxay Al-Shabaab weerarro hoobiyeyaal ah ugu qaadeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Ciidamada Dowladda ay weeraradaas uga jawaabeen howlgallo ay degaano kula wareegeen, walow weli weerarada lagu qaadayo Caasimadda Galmudug ay wali socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here