Hooyo dil iyo kufsi loo gaystay ee Dadaab

Waxaa manta degmada Dadaab ka dhacday arin xanuun badan oo naxdin iyo yaab ku notay dadka denganka Dadaab,kadib markii fal kufsi iyo dil ah loo gestay mid kamid ah dumarka ku nool Dadaab.
falkan oo ka dhacay duledka magalada Dadaab ayaa dhacay abarihii kowdii duhurnimo ee manta
Hooyada la kufsaday kadibna ladilay ayaa lashegay inay ari ku dajinaysay meel.aan ka fogeen xafada magalada Dadaab sida la shegay.
Nin tooreey iyo bangad ku hubaysana ayaa dhibkan gestay waxaana la soo wariyey inta usan dilin hoyadan inuu kufsi u gaystay.
alle ha unaxaritee hooyada dhimatay ayaa lagu magacaabi jiray Isniino Ismail Abdullahi waxayna aheed hooyo xaas ah .
Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in hooyada ladilay ay la socotay hooyo kale oo daris iyo qaraabo ay ahayeen balse ka bad baaday falkaas iyadoo dhawac ah ayaa gobta laga soo qaday waxayna geriyotay intii loo soo waday dhanka magalada Garissa oo la doonayay in lagu daaweeyo.
Sida ka muuqatay jirka marxuumada waxaa loo isticmalay toori meelo badan oo jirkeeda ah dhibaato loogu gestay taas oo ay ogu danbeen ay ugu geeriyootay .
arinkan ayaa waxaa gadod iyo caro balaran ka muujiyay dadka deganka dadaab oo si aad ah uga xumaday falkan foosha xun ee loo gestay hooyada aan waxbo galabsan .
Dhanka kale lamaha amaanka ayaa gacanta ku dhigay qof looga shakiyay falkaan oo hada ay baritano ku wadaan.
Hooyadan dhimatay ayaa waxaa xilikii afurka ee maanta lagu aasay magaalada dadaab.
Tan ayaa ah dhacdo ugub ku ah Magalada Dadaab inkastoo dhanka xeryaha qaxotiga ah ay marar badan ka dhaceen falal kufsi ah warkaas kobana waxaa inosoo diray wariyaheena Deganka Dadaab Mohamed Baaruud Hussein

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here