Hooyo iyo laba carruur ay dhashay oo loo xiray dil ay aabihi guriga u geysteen

Booliska magaalada Meru ayaa gacanta ku haya haweeney 40 sano jir ah oo looga shakisan yahay inay dishay seygeeda islamarkaana ay ku riday meydkiisa suuliga iyadoo la kaashaneyso gabadheeda iyo wiilkeeda.
Ninka oo magaciisa lagu sheegay Julius Kalawa Mikiigu da’adiisuna tahay 54 jir ayaa waxaa laga soo saaray musqusha kaddib markii dadka deegaanka waayeen muddo bil ah.
Booliska ayaa xiray Margaret Karimi, oo ay wehliyaan wiilkeeda Andrew Mutuma, oo 19 jir ah, iyo gabadheeda Esther Kawira, oo 15 jir ah, waxaana la xiriirinaya dilkii aabahood.
Taliye ku xigeenka booliska galbeedka Tigania ee ismaamulka Meru Joel Chepkwony ayaa sheegay in qoyska ninka ay ku soo wargeliyeen in dhibanaha la waayey 27-kii Ogosto ee sannadkan.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in aabaha la dilay iyo 12 caruur uu dhalay uu ka dhaxeeyay muran dhuleed muddo dheer.
Taliyaha booliska ayaa sheegay in eedeysanayaasha maanta maxkamd la soo taagi doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here