Hooyo ka horjoogsatay in gabadheeda guriga ka baxdo muddo 26 sano ah

Saxaafadda Ruushka ayaa dhawaan soo bandhigtay arrin naxdin leh taas oo ah haweeney 42-jir ah oo aan cag dhigin meel ka baxsan gurigeeda muddo 26 sano iyadoona xaaladeeda caafimaad ay wanaagsaneed, balse hooyadeed ayaanan u oggolaan meel ka baxsan guriga in ay aado.
Gabadha oo magaceeda lagu sheegay Nadezhda Bushueva ayaa bishaan 42 jirsatay waxaynja ku nooshahy tuulada Arefinsky ee galbeedka Ruushka ayaa tan iyo markii da’adeedu ahayd 16 jir guriga hooyadeeda go’adoon ku ahayd sababtuna ay tahay hooyadeeda oo go’aansatay in gabadheeda guriga ka bixin sanadahaas oo dhan si ay uga ilaaliso halista dibada kaga imaan karta.
Muddo 26 sano kaddib ayey u suuro gashay in markii ugu horeysay ee binaanka u soo baxdo kaddib markii hooyadeeda ay xanuunsatay oo ay ubaahatay in isbitaal la dhigo.
Lama garanayo sababta ee Tatyana u gelisay mudadaan gabdheeda go’adoomin.
Dhanka kale Nadezhda ayaa lagu soo waramay in aysan timaheeda dhaqin muddo 12 sano, sida lagu cadeeyay wasakh badan oo madaxeeda, oo aan xitaa dharka iska badallin waqti dheer. In kasta oo ay waxaas oo dhan jiraan, ayay sheegtay in aysan u baahnayn wax caawimaad ah ee ka imaada dhan ka dariska.
Sida laga soo xigtay haweenka deriska ah, Tatyana oo ah gabadha hooyadeed ayaa la sheegay in had iyo jeer si weyn ayey u ilaalin jirtay gabadheeda, sheegi jirtay inaysan wax uga bahnaan deriska waxayna noqdeen dad dadka kale ka foogaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here