Hooyooyinka uurka leh ee Kiambu oo lagu wacyigelinayo Covid-19

Saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka ayaa billaabay inay wacyigelin u sameeyaan hooyooyinka uurka leh ee deegaanka Thika, ismaamulka Kiambu.
Haweenka ayaa loo sheegaya in ka hor tagga uu yahay sida ugu wanaagsan ee looga badbaadi karo cudurka #COVID19.
Saraakiisha caafimaadka ayaa kulamo kala duwan u qabanaya hooyooyinka uurka leh ee degmada Gatuanyanga .
Waxaa lagu baraarujinaya inay nadaafadda ku dadaalaan oo ay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan saabuun iyo biyo, inay maaskaro adeegsadaan, guriyahooda ku sugnaadaan sido kalena aynan aad isugu dhawaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here