Howl wadeenada caafimaadka ee Kitui oo heegan sare la geliyay

Waxaa heegan sare la geliyay saraakiisha caafimaadka ee ismaamulka Kitui kaddib markii sida la sheegay shaqaalaha goobta loo yaqaano Mutomo oo uu dhisme ka socdo lagu amray inaynan u dhawaan qof xanuunsan oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Shiinaha.
Ninkan ayaa u shaqeeya shirkadda Sino Hydro Corporation oo gacanta ku haysa dhismaha wadada isku xirta Kitui iyo Kibwezi .
Waxay wararku intaas ku darayaan in muwaadinka Shiinaha uu wadanka dib ugu soo laabtay maalmo ka hor.
Sarkaalka ugu sarreeya ee waaxda caafimaadka ee ismaamulka Kitui ,Richard Muthoka ayaa warbaahinta u sheegay inuu walaac jiro hasa ahaate aan ilaa iyo hadda la xaqiijin in shakhsiga la sheegay uu qabo caabuqa coronavirus iyo in kale.
Dr .Muthoka ayaa hoosta ka xarriiqay inay sido kale arrintan ku wargeliyeen wasaaradda caafimaadka ee dalka si ay u caddeyso tallaabada xigta.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii gudaha dalka lagu baaray saddex qof oo looga shakiyay caabuqa Coronavirus in kastoo markii dambe la xaqiijiyay inuunan saameyn firuusiga ku fiday qaar ka mid ah wadamada caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here