Howlaha machadka booliska lagu tababaro oo la hakiyay

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa hakisay howlaha machadka ay tababarrada ka qaataan saraakiisha ammaanka ee ku yaallo degmada Kiganjo ilaa iyo inta si buuxda looga xakameynaya faafitaanka cudurka.
Abaanduulaha booliska dalka Mr.Hilary Mutyambai ayaa shaaciyay in xaruntan sida ugu dhaqsiyaha badan loo xiraya ilaa amar dambe.
Mr. Mutyambai ayaa intaa ku daray in wakhti xaadirkan aynan jirin saraakiil uu tababar u socdo.
Maamulaha machadkan ,Mathias Pombo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabadan ay saameynteeda leedahay balse ay lagama maarmaan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here