Howlaha maxkamadaha dalka oo maanta dib u billaabanaya

Waxaa la filayaa inay maanta dib u billowdaan howlaha maxkamadaha dalka oo uu hakad ku keenay cudurka covid-19.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay waaxda cadaaladda ee dalka.
Maxkamadaha ayaa dhageysan doono dacwadaha kala duwan iyadoo la raacaya amaradda dowladda iyo talooyinka wasaaradda caafimaadka ee lagu xakameynaya faafitaanka caabuqa coronavirus.
Waaxda garsoorka ayaa sheegtay in la dhimaya tirada dadka galaya maxkamadaha sido kalena laga doonaya inaynan aad isugu dhawaan.
Waxaa mudnaanta koobaad la siinaya dhageysiga dacwadaha uu hakadka ku yimid laga soo billaabo 16-kii bishii saddexaad ee sannadkan.
Bayaanka ayaa lagu xusay in waaxda cadaaladda ay hayso macluumaadka dadka qeybta ka ah kiisaska rayidka khuseeya iyo qareenadooda sidaas awgeedna la doonaya inay sugaan inta laga soo wacaya.
Dadka lagu eedeyay falal dambiyeedyada kala duwan waxaa maxkamadaha looga yeeri doonaa iyadoo loo maraya booliska iyo xafiiska agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here