Howlaha samata bixinta ee gurigii ku dumay deegaanka Embakasi oo la soo afjaray

People and rescue workers attend the scene of a building that collapsed in Tasia Embakasi, an east neighbourhood of Nairobi, Kenya on Friday Dec. 6, 2019. A six-story building collapsed in Kenya's capital on Friday, officials said, with people feared to be trapped in the debris. Police say people have been rescued by residents using their bare hands. (AP Photo/Khalil Senosi)

Waxaa la soo gabagabeeyay howlaha samata bixinta ee ilaa maalinkii jimcada ee toddobaadkii hore ka socday xaafadda Taasia ee deegaanka Embakasi , magaaladatani Nairobi halkaas oo uu ku dumay dhisme ka kooban ilaa 6 dabaq.
Arrintan ayaa timid kaddib markii saraakiisha badbaadinta ay gaareen qeybta ugu hoose ee gurigaasi.
Ugu yaraan 6 qof oo ay dhaawacyo soo gaareen ayaa hadda lagu daaweynayaa isbitaalka qaran ee Kenyatta.
Howlgallada badbaadinta oo qaatay muddo afar maalmood ah ayaa lagu soo samata bixiyay 36 qof.
Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadaasi ku dhintay 10 qof halka qoysaska ay arrintan saameysay ay hooy ka dhigteen kaniisadda Tassia iyadoo dowladda ay ku dadaalayso sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa.
Waxay baaritaanada hor dhaca ah ah muujinayaan in guriga dumay oo ay degganayeen ugu yaraan 40 qoysas ah aan markii horeba loo dhisin qaab nidaamka habboon waafaqsan.
Waaxda dowladda dhexe u qaabilsan kormeerka lagu sameeyo dhismooyinka ayaa hadda xog aruurin ku howlan ka hor inta baaritaano xeel dheer kaddib aynan soo saarin warbixin dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here