Howlaha xafiisyada ismaamulka Meru oo la hakiyay

Guddoomiyaha ismaamulka Meru Kiraitu Murungi ayaa hakad geliyay howlaha xafiisyada dowlad deegaankaas.
Tani ayaa timid kaddib markii dhowr ka mid ah shaqaalaha xarumahaas laga helay cudurka COVID-19.
Mr. Murungi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in amarkan oo dhaqangalay uu sii shaqeyn doono ilaa 7-da bisha 12-aad ee sannadkan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in go’aankan looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo faafidda caabuqa corona.
Barasaabka ayaa xusay in ilaa iyo hadda gudaha Meru lagu baaray dheecaan dhan 3,935 oo 619 qof oo ka mid ah laga helay cudurka.
Waxay isugu jiraan 424 rag ah iyo 369 haween ah.
Ilaa iyo 16-kii bishan waxaa cudurka COVID-19 ismaamulka Meru ugu dhintay 22 qof.
Tirada guud ee xaaladaha caabuqa corona ee dalka ayaa hadda ah 71,729 halka dhimashada guud ay marayso 1,302.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here