Howlaha xarumaha bulshada loogu adeego oo si tartiib ah u billaabanaya

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in guud ahaan wadanka ay si tartiib ah dib ugu furmayaan xarumaha bixiya adeegyada asaasiga ee bulshada ee loo yaqaano Huduma.
Xoghayaha wasaaradda adeegga dadweynaha Mary Kimonye ayaa arrinkan warbaahinta u xaqiijisay.
Waxay sheegtay in horay loo yareeyay adeegyada ay fidiyaan xarumahan si looga hor tago faafidda fayraska corona.
Ms. Kimonye ayaa hoosta ka xarriiqday in marka bulshada loo adeegaya ay khasab tahay in la raaco tallaabooyinka iyo amarrada dowladda ee ku aadan ka hor tagga cudurka COVID-19.
Waaxyaha dowladda ee hakiyay waxyaabihii ay dadweynaha u qaban jireen ayay ugu baaqday inay dib u billaabaan iyagoo u hoggaansamaya tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here