Howlgal Baaritaano Ah Oo Xalay Laga Sameeyay Xaafado Ka Tirsan Magaalada Muqdisho.

Xaafado Ka Tirsan Degmada Dharkeenlay Ee Gobolka Banaadir Ayaa Xalay Ciidamo Ka Tistan Booliiska Soomaaliya Waxa Ay Ka Sameeyeen Baaritaano.

Howlgaladaas Ayay Ciidamadu Ka Sameeyeen Xaafadaha Dabakaayo Madow, Xoosh, Suuq Boocle, Iyo Kuwo Kale, Iyagoona Guri Guri Ubaarayay.

Dadka Ku Sugan Degmada Dharkeenley Ayaa Sheegay In Baaritaanadaasi Ay Ciidamadu Xalay Ku Soo Qabteen Dhalin Yaro Badan.

Ciidamada Ayaa Goob Fagaaraa Iskugu Keenay Dhalin Yaradaasi Iyaga Oo Su’aalo Weydiinayay.

Laamaha Amaanku Wali Kama Hadlin Howlgaladaas Iyo Cida Ay Kusoo Qabteen.

Habeynadii Lasoo Dhaafay Waxey Ciidamada Amaanku Ka Sameynayeen Degmooyinka Iyo Xaafadaha  Magaalada Muqdisho Howlggalo Baaritaano Ah, Iyaga Oo Ku Soo Qabanay Dhalinyaro Ay Sheegeen In Looga Shakisanyahay Falalka Amni Daro Ee Ka Dhaca Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here