Howlgal Boosaaso ka dhacay oo dad lagu qabqabtay

Ciidamo ka tirsan Booliska Maamul Goboleedka Puntland ayaa howlgallo la xiriira Amniga waxaa lagu soo waramayaa inay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, laguna soo qabqabtay dad badan laga shakisan yahay
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inuuu ahaa mid Guri guri loo baarayay,isla markaana amniga loo xaqiijinay.
Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada ayaa Warbaahinta u sheegay inay howlgallada ku qabteen in ka badan 10 Ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo Daacish.
Sidoo kale Wuxuu sheegay in guryaha qaar ee dadka laga soo qabtay laga helay hub iyo jaakadaha loo adeegsado Qaraxyada, oo la doonayay in weeraro looga fuliyo Magaalada Boosaaso iyo Magaalooyinka kale ee Gobolka Bari.
Dadka la xiray ayaa waxaa la geeyay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay baaritaano ku hayaan cidii dambi lagu waayana la siideyn doono.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa horay uga dhacay falal amni darro oo uu kamid haa weerar ismiidaamin ahaa oo lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Bari iyo Xubo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here