Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo gobolka Gedo looga dhawaaqay

Taliska Ciidanka Millateriga Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo laga fulinayo degaano ka tirsan gobolkaas.
Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Gedo Bakaal Kooke oo uu wehlinayay Taliyaha Ciidamada Nabadsugida degmada Doolow e egobolka Gedo ayaa waxaay gaareen degmada Beled-Xaawo ee isla gobolkaasi, iyagoo sheegay inay diyaarinayaan howlgal ka dhan ah Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee Gedo ku sugan.
Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda noocyadooda kala duwan ay dhawan bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo la isugu furayo Magaalooyinka gobolka Gedo.
Degaanada iyo degmooyinka Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Al-Shababa, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegaan inay howlgallo fulin doonaan si dhamaan deegaanada Gobolkaasi amaankooda loo sugo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here