Howlgal miinooyin lagu soo saaray oo ka dhacay Jamaame

Wararka aan ka helayno gobolka Jubada Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidanka Nabad sugida ay deegaano Hoos taga degmada Jamaame ka sameeyeen howlgalo balaadhan oo lagu soo saarayay Miinooyin ay Shabaabka deegaanadaas ku aaseen.
Saraakiisha Ciidanka Nabad Sugida Maamulka Jubaland ayaa sheegeeya inay deegaanka Baarsanguuni iyo Tuulooyin kale oo ku dhow ay ka soo saareen Dhowr Miinooyin ah oo shabaabku halkaas ku qariyeen.
Gaashaanle dhexe Ismaaciil Faarax raage oo ka tirsan Ciidanka Nabad Sugida lana hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay deegaanada Baarsanguuni,Buulo Xaaji iyo nawaaxiga degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose howlgal ay ka Sameeyeen Ciidanka Nabad Sugida ay ku soo saareen Miinooyin badan oo halkaas ay ku aaseen Xubnaha AL-shabaab.

Dhanka kale Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qaybta 27 ayaa howlgao ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka shabeelada dhexe.
Gen Axmed Maxamed Tareedisho Taliyaha Ciidanka 27 ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya wadaan qorsheyaal looga hortagayo weerarada ay Al-shabaab ka gaystaan deegaanada iyo wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee gobolka shabeellada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here