DHAGEYSO:Howlgallada lagu raadinayo meydadka hooyo iyo gabadheeda oo weli socdo

Waxaa weli deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa gobolka xeebta ka socdo howlgallada la doonayo in lagu soo helo baabuur sideed maalmood ka hor ku dhacay badda India Ocean iyo meydadka laba qof oo saarnaa.
Howlaha baadigoobka waxaa wado ciidamada badda ee dalka iyo khuburo si gaar ah ugu takhasusay inay biyaha quustaan.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay diiradda saarayaan goobo haray oo aan weli baaritaano laga sameynin.
Qoyska Mariam Kighenda iyo gabadheeda oo afar sano jir ahayd Amanda Mutheu ayaa weli ku raja weyn in meydadka la soo heli doono.
Mr. Oguna ayaa hoosta ka xariiqay in saraakiisha badda ku jiro ay dadaalayaan sidaasi awgeedna uu codsanayo in dulqaad la muujiyo.
Shalay ayay ahayd maalinkii toddobaad ee la raadinayo meydadka iyo baabuurka biyaha ku dhacay waxaana la filayaa in howshan ay gacan ka gaystaan khuburo u dhashay Koonfur Afrika.
Mr. Oguna oo ka hadlaya tallaabooyinka ilaa iyo hadda la qaaday iyo waxyaabaha qorsheysan ayaa waxaa uu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here