Howlgalladii TVET ee Islii oo ugu yaraan 50 qof lagu xiray

Howlgallo shalay saraakiisha waaxda dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada culuunta laga bixiyo machadyada farsamada ee TVET ay ka sameeyeen xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji , magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu xiray in ka badan 50 qof .
Mas’uuliyiintan ayaa guda galay dabagal la xariira in machadyadan ay yihiin kuwa u diiwangashan dowladda iyo in culuunta ama koosaska laga barto la ansixiyay.
Sido kale waxay eegayeen in ardayda wax ka dhigta ay Kenyaan yihiin ama ay haystaan Documentiyada rasmiga ah ee ajaanibta ku joogaan gudaha dalka.
Shakhsiyaadkan ayaa la sheegay inay gudaha wadanka si sharci darro ah ku joogeen maadaama aynan sidan dokumeentiyada laga doonayo.
Waxay wararku intaas ku darayaan in dadkan la qabtay ay ahaayeen arday wax ka dhigta iyo shaqaalaha machadka Alison Community College waxayna isugu jiraan muwaadiniin soomaaliyeed iyo mid dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Uganda.
Sido kale waaxda TVET ayaa sheegtay inay albaabada isugu dhufatay machadka maadaama uunan u diiwaan gashaneyn.
Agaasimaha guud ee waaxdan Kipkirui Langat ayaa sheegay in howlgalka ay qeyb ka ahaayeen ciidamada waaxda la dagaalanka argagixisada ee (ATPU).
Waxaa la fuliyay kaddib xog sirdoon oo la helay.
Sido kale waxaa uu xusay in saraakiisha ay tageen machadka Atlas College balse ay xaqiijiyeen inuu dowladda u diiwaan gashanyahay.
Dadka la qabtay badankoodu ma aynan haysan dokumeentiyo waxaana jiray kuwo ay ka dhaceen dal ku galka iyo baasaboorrada.
Ma aha markii ugu horaysay oo hawlgalada noocan ah ay fuliyaan Saraakiisha waaxda dowlada dhexe u qaabilsan kormeerka lagu sameeyo xarumaha bixiyo culuunta farsamada ee TVET.
Maamulka TVET ayaa sheegay inuu guud ahaan dalka ka fulin doono hawlgalo lagu xaqiijinayo waxbarashada ay bixiyaan machadyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here