Howlgalo amaan oo ka dhacay gobolka shabeelada Hoose.

Wararka aan ka helayno Gobolka Shabeellaha Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay saakay ilaa xalay howlgallo ka wadeen degmada Awdheegle iyo deegaanada Hoostago oo dhawaan Ciidamada Dowladdu ay kala wareegeen Al-shabaab.
Howlgaladaan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay barqadii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Awdheegle, isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal socday saacado.
Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay khasaaro xoogan gaarsiiyeen xubnihii ka tirsanaa Shabaab ee weerarka kusoo qaaday halka Al-Shabaab dhankooda ay sheegteen inay dileen 50 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.
Howlgalka weli ka socda degmada Awdheegle ayaa Ciidamadu waxaay ka wadaan Xaafadaha degmadaas iyo sidoo kale tuulooyinka hoostaga,waxana la sheegay in howlgalkaas uu yahay mid ay uga hortagayaan weeraro kale.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa u sheegay Radio Risaala in howlgalka ka socda degmada Awdheegle lagu soo qabtay dad looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay baaritaano ku hayaan.
Marka laga soo tago howlgalka ay wadaan Ciidamada Dowladda,waxaa sidoo kale degan xaalada degmada Awdheegle oo shalay Barqadii uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here