Howlgalo amaan oo ka socda magaalada Kismaanyo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose sidoo kalena ah Caasimadda KMG ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay saaka ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo ay fulinayaan Ciidamada ka howlgala Magaalada Kismaanyo.
Howlgaladaan ayaa yimid kaddib markii Magaalada Kismaayo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen falal Ammaanka lidi ku ah, islamarkaana xalay bambo gacmeed lagu weeraray guriga gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Maamulka Jubbaland sida ay warbahainta guduhu shaacisay.
Howlgaladaan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Jubbaland ayaa waxay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Kismaayo waxaana looga gooleeyay in gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadka Magaalada amaankeeda Carqaladeeya.
Ciidanka ayaa guri guri u baaraya xaafada Magaalada, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayaan wariyeyaasha ku sugan Magaalada Kismaayo
Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Kismaayo gaar ahaan kuwa looga shakisan yahay in falalka amaan darada ah laga soo abaabulo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here