SAWIRO:Howlgalo amaan oo Kismaanyo ka dahcay

Ciidamada Booliska Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaaay howlgallo qorsheysan oo dad badan lagu soo qabqabtay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada kismayao ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose Sidoo kalena ah Caasimada KMG ee Maamul goboleedka Jubaland.
Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa waxaay howlgalada ka sameeyeen inta badan xaafadaha Magaalada Kismaayo ay ka Kooban tahay, waxaana Booliska Jubbaland ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid amniga Magaaladaasi lagu xaqiijinayay.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxay warbaahinta Gudaha Soomaaliya u sheegeen in Ciidamada Booliska Jubaland ay howlgalka ku qab qabteen dad Dhalinyaro u badan, kuwaasoo badi la siidaayay halka qaarkood la geeyay Saldhiga Ciidanka booliska ee Magaalada Kismaayo si ay Baaritaano dheeraad ah u Maraan maadaama looga shakisan yahay inay qayb ka yihiin Falalka amaan darada ah ee mararka qaar ka dhaca Magaalada kismaanyo.
Howlgalkan Ciidamada Booliska Jubbaland ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa uu daba socday kaddib dilal qorsheysan oo bilihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Kismaayo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here