Howlgalo amni oo Muqdisho ka dhacay.

Ciidamada Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa waxaay xalay howlgal qorsheysan ka fuliyeen Xaafado ka tirsan degmada Warta-Nabada ee Magaalada Muqdisho,waxaana lagu soo qabtay dad fara badan.
Howlgalka ayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alfa Group waxaay ka sameeyeen Xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta-Nabada,waxaana la sheegay inay Ciidamada Guryaha qaar baaritaano ku sameynayeen sigaar ah Guryo bartilmaameed u ahaa.
Wararka qaar ee laga helayo howlgaladii xalay ayaa sheegaya in Ciidamada Alfa Group ay Guri ku yaalla Xaafada Xamar Jadiid ka heleen waxyaabaha qarxa oo ay qarixiyeen,sidoo kalena ay xir xireen dad Gurigaasi ku sugnaa oo loogu Tumay inay falalka amaan darada ay ku lug leeyihiin.
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Oronjo ayaa sheegay in Ciidamada intii ay howlgalka ku jireen ay Isgoyska Baar ubax ku qarxiyeen Miinooyin la dhigey,balse aan dad loo qaban arintaasi.
Intii uu howlgalka socday ayaa sidoo kale Ciidamadu waxaaay qab qabteen Boqolaal Ruux oo dhalinyaro u badan,kuwaasoo hal Goob la isugu geeyey,walow baaritaan dheer kadib badankood la siidaayey.
Laamaha Amniga ee dowlada Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin howlgaladii gaarka ahaa ee xalay ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Warta-Nabada ee gobolka Banaadir,hayeeshee waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay Magalada Muqdisho ay ka dhacayeen qaraxyo kala duwan oo kii shalay ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka uu u danbeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here