Howlgalo amniga lagu sugayo oo ka socda gobolka Bari.

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa howlgal ay ka Sameeyeen xalay Magalada Boosaaso waxaay ku soo qabteen Hub Sharcidaro ah iyo dadkii watay,waxaana howlgalka hogaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Taliyaha Ciidanka Birmadka iyo Saraakiil Kale oo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland.
Howlgalkaan oo laga sameeyay bartamaha Magalada Bosaaso,Kontrolaadadeed iyo dhamaan deegaanada ku xeeran ayay Ciidamada Booliska waxaay Gaadiidka ka fiiqayeen Bacaha Madow oo maamulka Puntland uu horay uga mamnuucday deegaanada hoos yimaada,waxaana la sheegay inay howlgalkaas ku qabteen Gadiid ay Booliska ku raad joogeen.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/S Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada Booliska uga digay inay Gudaha Magaalada Boosaaso hubka la dhex-marin, iyagoo aan Shaqo ku jirin,waxaana uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono dadka hubka sharci darrada ah ku qaadata Gudaha Magaalada Boosaaso.

Dhanka kale Wararka ka imaanaya isla Magaalada Boosaaso ayaa shegayaan in Ciidamada Amniga gobolka Bari ay Xabsiga dhigeen Siyaasiga Dr. Muuse Cali Jaamac oo horay ay sidaan oo kale Ciidamada Puntland xireen.
Siyaasigaan iyo Odayaal kale ayaa Jimciii la soo dhaafay waxaay dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu hoggaamiyo,waxaana xalay uu ku hoyday Xabsiga Magaalada Boosaaso,sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan Magaalada Boosaaso.
Siyaasiga Muuse Cali Jaamac waa markii labaad oo ay xiraan Ciidamada Amniga gobolka Bari,waxaana 13 October ee sannadkan sidaan oo kale Boosaaso loogu xiray Siyaasigaan, hayeeshee saddex Cisho kadib ayaa lagu sii daayey cafis-maxkamadeed.
Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Gobolka Bari ee Xabsiga la dhigay ayaa waxay xukuumadda Madaxweyne Deni ku eedeeyeen in shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso, wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE iyo Maxjarka Xoolaha ee Magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here