Howlgalo dad lagu qabqabtay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Ciidamada Booliska maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa xalay howlgallo kala duwan ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,halkaasoo lagu weeraray Sarkaal ka tirsan qeybta Cansuuraha Gobolka Bari.
Sarkaalka ayaa Kooxo hubeysyan waxaa la sheegay inay meel luuq ah rasaas kaga soo fureen, xilli uu ka adeeganayey Suuqa magaalada Boosaaso,hayeeshee ay israaseyn dhex-martay ilaalada Sarkaalka iyo ragga hubeysnaa taasoo sababtay geerida Nin u dhashay Qowmiyada Oromada.
Ciidamada Booliska Puntland ayaa la sheegay in Magaalada Boosaaso ay xalay ka sameeyeen howlgal dad dhalinyaro u badan lagu soo qabtay,kuwaasoo la geeyey Saldhiga Booliska Magaalada Boosaaso.
Qaar kamid ah shacabka ku nool Magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegay in xilligii ay Ciidamadu howlgalka wadeen uu saameeyey Goobo Ganacsi eek a ag dhawaa halka ay wax ka dhaceen.
dhawaan ayay aheyd markii rag hubeysan ay rasaas ku Fureen Gaari ay wateen laba kamid ah Ciidamada Puntland,xilli ay ku sugnaayeen Isgoyska Netka ee Magalada Boosaaso,waxaana saraakiisha Booliska ay sheegeen inay xaqiijin doonaan Amniga Magaalada ayadooma dhowr mar la soo saaray amaro la xiriira amaanka Magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here