Howlgalo dad lagu soo qabqabtay oo ka dhacay Afgooye.

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa waxaay saacadihii la soo dhaafay howlgal dad badan lagu soo qabqabtay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafada 21 Oktoobar halkaas oo xalay fiidkii ay Kooxo hubeysan ku dileen Nabadoon lagu Magacaabi jiray Ibraahim Maxamed Ibraahim kana mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya.
Ciidamada ayaay wararku sheegayaan inay guryaha qaar galayeen intii ay howlgalka wadeen,waxaana ay soo qabteen dad ku dhow 100 ruux oo dhalinyaro u badan,kuwaasoo la geeyey Saldhiga Ciidamada booliska ee degmada Afgooye.
Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay la kala saaray,isla markaana qaarkood la siidaayey halka qaarkale oo la tuhunsan yahayna ay baaritaano lagu hayo.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ay inta badan ka dhacaan dilalka qorshaysan iyo weerarada kale ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana inta badan ka dhaca dilal dad kala duwan loo gaysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here