Howlgalo dad lagu soo qabtay oo boosaaso ka dhacay.

Ciidamada Booliska Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa howlgal lagu xaqiijinayay amniga waxaay xalay ka sameeyeen Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,ayadoo howlgalkaas lagu soo qabqabtay dad farabadan oo looga shakisan yahay arimaha amaan darada ee mararka qaar Magaaladaasi ka dhaca.
Howlgalkaan ayaa ahaa mid lagu baarayay gadiidka iyo dadwaynaha qaybahooda kala duwan waxayna sidoo kale Ciidaamadu ay Gaadiidka ka fiiqayeen bacaha Madow ee ku xiran ee bensolka loo yaqaaano.
Sidoo kale waxaana guud ahaan laga sameeyay Xaafadaha Magalada Boosaaso Howlgalkaasi ayadoo,Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari ee maamulka puntland Xuseen Cali Maxamed uu sheegay in howlgalkaan ay sidoo kale kula dagaalamayeen Dhalinyaro xilliyada habeenkii dadka ka dhaca mobeelada,kuwaas oo cabashadooda ay kazoo gaartay Shacabka Magalada Boosaaso.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka lagu soo qabqabtay labaatameeyo dad ah,kuwaas oo u badan dhalinyaro,isla markaana baaritaano lagu sameyn doono cidii dambi lagu waayana la siideyn doono.
Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay deegaannada ugu amniga Xun Magaalooyinka Puntland,waxaana mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala eegto mas’uuliyiin ka tirsan Puntland,waxana weeraradaas mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here