Howlgalo hub lagu soo qabtay oo ka dhacay gobolka Bari.

Taliska Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa howl galadii ka socday magalada Boosaso waxaa la sheegay inay ku soo qabteen rasaasta qoriga loo yaqaano 7-ka iyo dadkii haystay kuwaasi oo ay sheegeen in la doonayey in lagu khal khal galiyo amniga Magalada Boosaaso.
Ciidamada ayaa sidoo kale soo qabtay hub kala duwan kuwaasi oo dhawaan la soo bandhigi doono iyo dadkii hubkaasi guryahooda ku hayay,sida lagu sheegay War kasoo baxay Booliska Gobolka Bari.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gashaanle Xusesen Cali Maxamuud ayaa inta uu howl galka socdo bulshada mar kale ugu baaqay inay Ciidamada la shaqeyaan una fududeeyaan Shaqada amni xaqiijinta ay wadaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale ka hadlay howlgallo Ciidamada Booliska ay ka sameynayeen Magaalada Boosaaso kaasi oo lagu soo qab qabtay dad looga shakisan yahay inay ka danbeyeen dilalkii ka dhacay Magaaladaas.
Ugu dambeyn Taliye Xusseen Cali ayaa Bulshada Booasaso uga mahadceliyay qaabka ay ula shaqeeyeen ciidamada amniga ,balse Ciidamada aan Shaqada ku jirin uu ugu baaqay inay xarumahooda joogaan.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Booliska Puntland howlgal ay sameeyeen ay sheegeen inay kusoo qabteen 8 Ruux oo ay sheegeen in looga shakisan yahay inay la Shaqeeyaan Ururka Al-Shabaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here