Howlgalo ka dhacay Maxaas

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa AMISOM ayaa saacadihii la soodhaafay waxaay howlgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,halkaasoo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa waxaay sheegen in howlgalkaas lagu soo qabqbatey dad badan oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin ama ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada maxaas Cabdi Muumin Cilmi ayaa sheegay in howlgalkaas uu ka dambeeyey,kadib markii cabasho uga timid dadka Shacabka ah oo ay ka qaadayeen Al-Shabaab lacag farabadan iyo Xoolo.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey guddoomiyaha in intii ay howlgalka wadeen uu dagaal kooabn dhex-marey Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab,balse aan wax khasaaro ah geysan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here